Waxaa xaqiiqa ah in Itoobiya nagu noqotay sida kancerka dhiigga ku dhaca oo kale, eeyna adagtahay in aan kabogsanno cudurkaas haddii uusanba nadilin! Cudurada qaar ee noolaha kudhaco waxaa layiraa waxaa sahlo in uu jirka ku fido difaaca jirka oo hoos udhaca, lkn annaga in Itoobiya sidaan noogasho waxaa fududeeyay cudurka qabyaalada oo Somalida lafaha kagalay. Itoobiya ayadoo taas dareesan ayey ka faa iideysatay, waxaana usahlanaatay in eey heerkaaan guuldarada ah nagaarsiiyo oo kasoo kabsashadiisu addagtahay.Waan hubaa in aan arintaan iyo kuwa badanoo lamida xal loheleen ilaa laga gudbo caqabada qabyaalada. Ruuxa soomaliyeedoow Qabyaalada nac kahor inta aadnicin cadawga Soomaliya.
Gureey Hirsi
Abdulahi Gureey
Saturday, October 3, 2015
Saturday, September 26, 2015
DADKA DADBAA KU JIRA.
Dadka dadbaa ku jira
damiirkoodu noolyahoo
dalkiyo dadkaba jecel
dariiqii SYL & dardaaran Syid wata.
Haddii dariiqooda helaan
daruufuhuna saamaxaan
dalka hoggamin kara
dibjirka ka celin kara.
dabinnada cadawgiyo colaadaha damin kara.
Damiir buuxa & dal jaceel beyleeyihiin.
Dadoow doonis beey rabaan
dariiq ubaneyn bey rabaan.
daacad uhibeyn bey rabaan.
dadka ineey ummadanyihiin
doqonta ka duwanyihiin
dareensiin beey rabaan
dareen damqashiyo
daacadnimo haddey jirto.
kuwaas doorasheey rabaan
dadka kagarasheey rabaan.
Ogoow dad ugaara & qabiil laduuban iyo
degaan ugaara maleh.
Gureey Hirsi.
damiirkoodu noolyahoo
dalkiyo dadkaba jecel
dariiqii SYL & dardaaran Syid wata.
Haddii dariiqooda helaan
daruufuhuna saamaxaan
dalka hoggamin kara
dibjirka ka celin kara.
dabinnada cadawgiyo colaadaha damin kara.
Damiir buuxa & dal jaceel beyleeyihiin.
Dadoow doonis beey rabaan
dariiq ubaneyn bey rabaan.
daacad uhibeyn bey rabaan.
dadka ineey ummadanyihiin
doqonta ka duwanyihiin
dareensiin beey rabaan
dareen damqashiyo
daacadnimo haddey jirto.
kuwaas doorasheey rabaan
dadka kagarasheey rabaan.
Ogoow dad ugaara & qabiil laduuban iyo
degaan ugaara maleh.
Gureey Hirsi.
Friday, September 25, 2015
Maxaa loo yiri dadka haddii janno lagaliyo ku celcelin ayuu rabaa!
Dadka dad baaa kujira oo dadka eey hayaan eeysan cid heyn kartaa jirin, bulashadana way ku amaantaaa oo waxeey tiraa hebel ama heblaayo la`aantiis/ la`aanteed cid ku heyn laheed majirto.
Haddaba nicmaa heesataa iyo ruux dulqaad badane adigu dibada ha is dhigin waa intaas oo barito aad waysaa cid kuheysato ciladdaada aawadeed.
Wednesday, September 23, 2015
CIID MUBAARAK
Waxaan jeclahay in aan idinla wadaago farxadda CIIDUL ADXAA.
Aniga iyo adinkaba ilaah hana dhigo kuwii loo danbi dhaafay.
Farxad iyo nabadgalyo ku ciida.
Aniga iyo adinkaba ilaah hana dhigo kuwii loo danbi dhaafay.
Farxad iyo nabadgalyo ku ciida.
Sunday, September 20, 2015
WAXAA II MUUQDA RAGGII HORE HOOSKOODII .
Maanta waxaan dareemayaa in hogaamiye kooxeedyadii dalkeena ka jiri jiray eey noo badaleen hogaamiye maamulleed eey utaalo isbaaro siyaasadeed. Waxaa iiimuuqata in eey isbaaro dhigteen meel udhaxeeso qabiilka iyo qaranka , eeyna diidanyihiin in qabiilka looga gudbo qarannimo.
Waqtiguba ha dheeraadee waad naga hor wareegi doontaan sidii kuwii inka horeeyay nooga hor wareegeen.
Gureey Hirsi.
Waqtiguba ha dheeraadee waad naga hor wareegi doontaan sidii kuwii inka horeeyay nooga hor wareegeen.
Gureey Hirsi.
Subscribe to:
Posts (Atom)