Saturday, September 26, 2015

DADKA DADBAA KU JIRA.

Dadka dadbaa ku jira
damiirkoodu noolyahoo
dalkiyo dadkaba jecel
dariiqii SYL & dardaaran Syid wata.
Haddii dariiqooda helaan
daruufuhuna saamaxaan
dalka hoggamin kara
dibjirka ka celin kara.
dabinnada cadawgiyo colaadaha damin kara.
Damiir buuxa & dal jaceel beyleeyihiin.
Dadoow doonis beey rabaan
dariiq ubaneyn bey rabaan.
daacad uhibeyn bey rabaan.
dadka ineey ummadanyihiin
doqonta ka duwanyihiin
dareensiin beey rabaan
dareen damqashiyo
daacadnimo haddey jirto.
kuwaas doorasheey rabaan
dadka kagarasheey rabaan.
Ogoow dad ugaara & qabiil laduuban iyo
degaan ugaara maleh.
Gureey Hirsi.

Friday, September 25, 2015

Maxaa loo yiri dadka haddii janno lagaliyo ku celcelin ayuu rabaa!

Dadka dad baaa kujira  oo dadka eey hayaan eeysan  cid heyn kartaa jirin,  bulashadana way ku amaantaaa oo waxeey tiraa hebel ama heblaayo  la`aantiis/ la`aanteed cid  ku heyn laheed majirto. 
Haddaba nicmaa heesataa iyo ruux dulqaad badane adigu dibada ha is dhigin waa intaas oo barito aad waysaa cid kuheysato ciladdaada aawadeed.

Wednesday, September 23, 2015

CIID MUBAARAK

Waxaan jeclahay in aan idinla wadaago farxadda CIIDUL ADXAA. 
Aniga iyo adinkaba ilaah hana dhigo kuwii loo danbi dhaafay.
Farxad iyo nabadgalyo ku ciida.

Sunday, September 20, 2015

WAXAA II MUUQDA RAGGII HORE HOOSKOODII .

Maanta waxaan dareemayaa in hogaamiye kooxeedyadii dalkeena ka jiri jiray eey noo badaleen hogaamiye maamulleed eey utaalo isbaaro siyaasadeed. Waxaa iiimuuqata in eey isbaaro dhigteen meel udhaxeeso qabiilka iyo qaranka , eeyna diidanyihiin in qabiilka looga gudbo qarannimo.
Waqtiguba ha dheeraadee waad naga hor wareegi doontaan sidii kuwii inka horeeyay nooga hor wareegeen.
Gureey Hirsi.