Dadka dadbaa ku jira
damiirkoodu noolyahoo
dalkiyo dadkaba jecel
dariiqii SYL & dardaaran Syid wata.
Haddii dariiqooda helaan
daruufuhuna saamaxaan
dalka hoggamin kara
dibjirka ka celin kara.
dabinnada cadawgiyo colaadaha damin kara.
Damiir buuxa & dal jaceel beyleeyihiin.
Dadoow doonis beey rabaan
dariiq ubaneyn bey rabaan.
daacad uhibeyn bey rabaan.
dadka ineey ummadanyihiin
doqonta ka duwanyihiin
dareensiin beey rabaan
dareen damqashiyo
daacadnimo haddey jirto.
kuwaas doorasheey rabaan
dadka kagarasheey rabaan.
Ogoow dad ugaara & qabiil laduuban iyo
degaan ugaara maleh.
Gureey Hirsi.
No comments:
Post a Comment